Friday, March 28, 2025

Madaxweyne Trump oo si qabow uga hadlay Weerarkii Iiraan. “Dhammaan Ciidamadeena waa bed qabaan, mana..”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qabtay shir jaraa’id oo dib u dhacay saacado badan, isagoo si qabow uga hadlay weerarka Iiraan xalay ku qaaday laba saldhig oo Mareykanka leeyahay, kuna yaalla dalka Ciraaq.

Mr Trump ayaa sheegay in weerarka Iiran aanay cidna ku dhiman Mareykanka ama Ciraaqi, qasaare weyn oo uu geystayna aanay jirin, sidaas darteedna aysan ku talo jirin inay dagaal ugu jawaabaan Iiraan, ayna ku filan tahay cunaqabateynta dhaqaalaha. wuxuuna caddeeyay in Iiraan ay nasiib leedahay mar haddii aysan dilin qof Mareykan oo gantaalaheeda aysan wax qasaare ah gaarsiin.

Wuxuu sheegay in Iiraan ay hadda debecday, wuxuuna ku dhawaaqay cunaqabateyn adag oo lagu soo rogayo Iiraan. “Dhammaan ciidamadeena waa bad qabaan, islamarkaana waxyeelo yar ayaa gaartay saldhigyada. Ciidamadeenna wax walba diyaar ayey u yihiin,” ayuu Trump ku yiri khudbad uu shacabka Mareykanka uga jeediyey Aqalka Cad.

Ad

“Iran waxay u muuqataa inay dabceyso, taasi oo ah wax u wanaagsan dhinacyada ay arrintan khuseyso iyo dunida oo dhan. Cid Mareykan ama Iraqi ah kuma dhiman weerarka,” ayuu sii raaciyey madaxweyne Trump oo ugu baaqay dalalka Yurub, China iyo Ruushka inay ka baxaan heshiiska Niyukliyeerka ee Iiraan.

Madaxweyne Trump ayaan soo hadal qaadin weerar lagu qaadayo Iiraan iyo jawaab laga bixinayo weerarkii ay ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee dalka Ciraaq, iyadoo hadda muuqato in xiisadii milateri ay meesha ka baxday.

Ilo-wareedyo Mareykanka iyo Yurub ah ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Iran ay si ku talo-gal ah uga fogaatay inay khasaare nafeed gaarsiiso militariga Mareykanka, si aysan xaaladda uga sii darin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON