Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u dhawaaqay Qorshihiisa Bariga Dhexe ee mudadda dheer la hadal hayey, isagoo sheegay inuu ka kooban yahay 80 Bog, isla markaana uu ka wanaagsan yahay dhammaan Qorsheyaashii hore ee Nabadda Bariga Dhexe.
Shir jaraa’id oo ka dhacay Aqalka Cad ayuu Qorshahan uga dhawaaqay Madaxweyne Trump, isagoo uu barbar taagan yahay Ra’iisal wasaaraha Israel Benyamin Netanyahu, wuxuuna Trump sheegay in magaalada Qudus ay noqon doonto magaalo aan kala qeybsaneyn oo ah caasimadda Yuhuudda, isla markaana Qorshihiisa cusub uu damaanad qaadi doono dowlad ay mustaqbalka yeeshaan Dadka Falastiin.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu farriin u diray Madaxweynaha Falastiin uu Mahmoud Abbas oo isagoo u sheegay inuu daraasad ku sameeyo qorshihiisa nabadda Bariga Dhexe, uuna heyso 4 sano, wuxuuna caddeeyay inay tahay fursadii ugu danbeysay ee nabadda Bariga dhexe.
Qorshaha Trump oo intii aanu soo bixin ay diideen maamulka Falastiin, ayaa waxaa soo dhoweeyay Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda Netanyahu oo sheegey inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Falastiiniyiinta iyadoo lagu dhaqmayo qorhaha Madaxweyne Trump, isagoo bogaadiyey kaalinta Madaxweyne Trump.
Madaxweyne Trump iyo Ra’iisal wasaaraha Israel waxay labadaba u mahad celiyeen safiirada dalalka Imaaraadka, Baxreyn iyo Cumaan oo munaasabaddaasi goobjooge ka ahaa, iyagoo u muuqday inay taageersan yihiin.
Haddii ay aqbalaan qorshahan waxaa Falastiiniyiinta la siin doonaa 50 Bilyan oo Doolar oo lag abuuri doono mashaariic badan oo dhalin doona Hal Milyan oo fursado shaqo ah, waxaana heshiiskan uu Falastiin ka qaadayaa dhammaan dhulkeeda oo ay ku jiraan degaanada sharci darrada ah ee Daanta galbeed.
Madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabbaas ayaa jawaab kulul ka bixiyey qorshaha Trump, wuxuuna caddeeyay inay Kun jeer diideen qorshahaasi waqtiguna sheegi doono inay shacabka Falastiin qashin qubka ku tuuri doono.