Monday, June 16, 2025

Madaxweyne Trump oo kalsoonidii kala noqday Dalalka G7, weerar culusna ku qaaday Ra’iisal Wasaaraha Canada

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhaqaaqay tallaabo la yaab leh, kadib Markii uu kalsoonida kala noqday war-axaafadeedkii laga soo  saaray shirkii dalalka G7 ee ugu horeeya dhaqaalaha dunida.

Trump oo xilli hore ka tegay shirka shalay isagoo caga jiidaya ogolaaday war-murtiyeedka shirka oo uu saxiixay ayaa markii danbe waxba kama jiraan kasoo qaadya in heshiis lagu gaaray shirkaasi, wuxuuna weerar culus ku qaaday Ra’iisal wasaaraha dalka Canada oo shirka marti geliyay isagoo ku tilmaamay shaqdi daciif ah oo weerar ku haya Mareykanka.

Heshiiskaan ayaa waxa ku dhawaaqay ra’isal Canada Justin Trudeau. Raisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeauaoo  sheegay in dalalka G7 ay gaareen heshiis islamarkana ay soo saareen war murtiyeed dhamaystiran, waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay natiijada shirka.

Ad

Balse Mr. Trudeau ayaa sidoo kale sheegay in Canada ay bisha dambe qaadi doonto tallabooyin aarsi ah oo looga jawaabayo canshuuraha Mareykanaka uu si cadaalad darro ah u soo rogay.

Waanu nahay mas’uliyiin balse ma ogolaneyno in nala warwareejiyo. waxaa uuna canshuurahasi ku tilmaamay in ay yihiin aflagaaddo. Donald Trump ayaa isagoo diyaarad saaran warbixin uu bartiisa twitter-ka ku qoray waxa uu Mr Trudeau ku eedeeyay in uu sheegay warbixn been abuur ah.

Waxa uuna saraakiisha Mareykanka u sheegay in aysan warbixnta la wadaagin warbaahinta. Trump ayaa inta uusan war murtiyeedkaan soo bixin eedeeyn dusha uga tuuray madaxdii isaga ka horeysay ee Mareykanka soo martay.

- Advertisement -

Waxa uu Trump ku eedeeyay madaxdii hore ee Mareykanka in aysan shaqa wanaagsan ka qaban ganacsiga .

Dhanka kale Madaxwaynaha faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in ay tahay tallaabadii kowaad ee xalka dagaalka ganacsiga, balse aan la wada xalin dhamaan farqigii u dhaxeeyay dalalkan gaar ahaan canshuurta ay Mareykanka soo rogeen.

Shirkaan ayaa u muuqday mid lagu dhameynayo dagaalka ganacsiga laakinse wuxuu ku dhamaaday fashil oo doc wareemay madaxweynaha Mareykanka, waxaana iminka cirka isku shareeray dagaalkii ganacsi ee ka dhaxeeyay dalalka Midowga Yurub iyo Canada oo  dhinac ah iyo Mareykanka.

Trump ayaa ku hanjabay inuu canshuur kale ku soo rogi doono baabuurta dakliisa loo dhoofiyo oo uu shegay inay sida daadka ugu soo fataheen dalalka muranka iyo qeylada ku haya ee mudadda badan canshuur xaqdarro  ah dalkiisa u saarneyd.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON