Monday, June 16, 2025

Madaxweyne Qoorqoor iyo C/raxman C/shakur oo ka qeyb galay Shirweynaha Beelaha Mudullood

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta ka qeyb galay shirweynaha Beelaha Mudullood ee maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay shirka ayaa ka mahadceliyey sida loo soo dhoweeyay, wuxuuna caddeeyay inuu taageerayo shirka nabadeed ee ay Beeshani yeelatay, wuxuuna shirka u rajeeyay inuu guuleysto.

“Sharaf weyn ayay innoo tahay inaa kasoo qeyb galno shirkaan wadatashiga ah, Shirkan innagaa leh waana sax inuu dhaco waana shir nabadeed, shirkaan waxaana leeyahay ha guuleysto horena haloo sii wado” ayuu yiri Madaxweynaha Galmuduug.

Ad

Dhinaca kale siyaasiga C/axmaan C/shakuur ayaa isna shirka ka hadlay aya u rajeeyay shirka inuu guuleysato, si wadajir ahna u cabiro dareenka dadka, isagoo intaas raaciyey in farriin xambaarsan midnimo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON