Qoorqoor wuxuu dhinacyo Soomaali iyo Ajnabi ah ku eedeeyay inay taageerayaan Ahlu suna, isagoo ka digay kooxo warar aan sax ahayn faafinaya
Madaxweynaha Galmudug ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda Galmudug iyo dagaalka ka socda Magalada Guriceel ee maamulkiisu kula jiro kooxda Ahlu suna.
Wuxuu marka hore sheegay inuu ka xun yahay duullaanka ay kooxda la baxday Ahlu suna kusoo qaaday Guriceel, iyo xaaladda barakaca ee ka dhalatay, isagoo shaaciyey Guddi qaabilsan taakulada dadka dhibaateysan, wuxuuna baaq u diray Soomaalida, dowlada Federaalka iyo Beesha Caalamka inay gargaar u fidiyaan dadka Guriceel.
Madaxweyne Qoorqoor wuxuu weerar afka ah u qaaday kooxda Ahlu suna, isagoo sheegay in kooxdaasi ay tahay mid dano gaaro u dhisan oo ay dadaal badan u galeen inay ka baxaan Guriceel, ayna sugeen muddo 22 maalmood ah, balse ay qaateen inay dhufeyso ka qoteen Guriceel, iyagoo qorsheeyay inay degaano kale qabsadaan.
“Dowladda Galmudug waxay ku qasbanaatay inay is difaaco, waxayna ku meteshaa dadkeeda, wxaan caddeyneynaa oo aan ku celineynaa mowqifka Galmudug inay qanciso wax kasta oo uu tabanayo. Dowlada Galmudug marna ma aqbaleyso in xoog iyo qori caaradiis degaan lagu qabsado, sharciyadeeda lagu soo duulo, sidaasina damac shaqsi ah lagu xaqiijiyo, masaniib iyo kuraas lagu raadiyo dhalinyarrada Galmduug oo xaabo lag dhigto” ayuu yiri Axmed Qoorqoor.
Wuxuu eedeyn u jeediyey dad u usheegay inay dad marin hahaabinaya waxa jira Guriceel oo dano qaloocan ka leh arrintaasi.
Wuxuu kaloo sheegay inay jiraan hinacyo gadaal ka taagan oo taageeraya dhibaatadda Guriceel, kyuwaasoo isigu jira oo Ajnabi iyo Soomalai leh, balse uu sheegay inay caddeymaha ay hayaan soo soo bandhigi doonaan mar kale.
Madaxweynaha Galmudug wuxuu dib u xaqiijiyey inay Galmduug ka dhici doonto Doorashada dalka oo aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin xaaladda hadda jirta.