Madaxweynaha Ruushka Valadamir Putin ayaa sheegay inuu dalkiisu wajahayo Gadood ciidan oo ay wadaan koxoda Wagner, isla markaana wuxuu ugu baaqay inay joojiyaan dhaqdhaqaaqa ay wadaan.
isagoo ka hadlayay xaaladda ee ka taagan dalka Ruushka oo xilligan dagaal kula jira Ukaraine ayuu Madaxeynaha Ruushka caddeeyay inuu jiray jirto Khiyaano Qaran oo la doonayo in Ruushka looga dhaliyo dagaal sokeeye xilli ay ku jirto dagaal adag.
Madaxweyne Putin wuxuu sheegay kooxda Wagner ay u dagaalantay Ruushka, balse damac ay leeyihiin shaqsiyaad ay isu bedeleen inay Ruushka Dhabarka ka toogtaan, isagoo ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan, haddii aysan joojin fowdada ay wadaan, dibna ugu laaban xarumahoodii.
Arrintan ayaa bilaabtay kadib markii madaxda Shirkadda dagaalamayaasha Wagner ee lagu magcaabo Yevgeny Prigozhin (Yefgeni Birigoshin) uu ku eedeeyay madaxda Wasaaradda Difaaca Ruushka inay duqeeyeen ciidamadiisa.
Khilaafkan oo muddo dheer u dhaxeeyay milkiilaha shirkadda Wanger iyo Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay markii dagaalamayaasha kooxda Wanger ay saaka la wareegee qeybo ka mida magaalada Rostov ee u dhow xuduudka Ukraine.
Yevgeny Prigozhin wuxuu ku hanjabay in haddii aan la casilin Wasiirka Difaaca iyo taliyaha ciidamada Ruushka uu ciidamadiisa La geli doono caasimadda Ruushka ee Moscow.
Dhinaca kale caasimadda Ruushka ayaa lagu ciidamo badan oo wadooyinka lasoo dhigay, iyadoo La xiray wadadda u dhaxeysa magaalada Rostov iyo Moscow.
Dagaalamayaasha iskood u shaqeysta ee shirkada Wagner waxay si weyn uga dagaalameen dalka Ukraine, iyagoo gacan siinaya ciidamada Ruushka, iyadoo dib u qabsaday magaalada Bakhmut ee sida xun loogu dagaalamay.
Shirkadda Wagner oo Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa waxay leedahay ciidamo u gaara oo ka howlgala dalal ku yaalla Afrika iyo Latin America, waxayna ka dagaalameen dalalka Libya, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Mali iyo Sudan.