Saturday, May 17, 2025

Madaxweyne Maamul Goboleed oo Soomaalida ugu hambalyeeyay dhalashada Sanadka cusub 2017

Madaxweyne maamul Goboleed ka mida maamulada Soomaalida ayaa diray hambalyada sanadka cusub ee 2017.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo dhalashada sanadka Miilaadiga hambayo u dira shacabka Puntland iyo Soomaalida.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay C/weli Gaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho inuu diray hambalyada sanadka cusub ee 2017, isagoo sheegay inuu farxadda sanadka cusub la wadaagayo shacabka Soomaaliyeed.

Ad

Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay in la xuso ama la isugu hambalyeeyo sanadka cusub oo ay ku tilmaameen munaasabad Gaaladu leedahay, waxayna madaxda Soomaalida intooda badan iska ilaaliyeen inay u dabaaldegaan.

 “Waxaan hanbalyo u dirayaa farxadana la wadaagayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kastay joogaan , waxaan ilaahay inooga rajaynayaa inuu sanadkan inooga dhigo mid Soomaaliya u horseeda horumar iyo dawladnimo wanaagsan.  Sidoo kale waxaan hanbalyo u dirayaa shacbka Puntland meel walba ay joogaan, waxaana ilaahay inoo waydiinayaa inuu sanadkan khayrkiisa ina waafajiyo inoogana dhigo mid horumar dhanwalba leh u horseeda Puntland” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas .

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON