Thursday, April 24, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Guddi labaad magacaabay & Gaas oo jawaab degdeg ka bixiyey [Akhriso]

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa soo saaray qoraal uu ku magacaabay ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland.

Qoraalka madaxweyne ku xigeenka Puntland  ayaa saacado ka danbeeyay wareegto maanta aksoo baxday madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo ee maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo uu ku magacaabay Guddigan.

Khilaafka madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa muddooyinkii danbe soo jiitameyay iyadoo uu si cad u soo shaac baxay markii magaalada Garowe lagu qabtay shirkii Golaha Iskaashiga maamula Goboleedyada.

Ad

Madaxweyne Gaas oo jawaab degdeg ah ka bixiyey tallaabada uu qaaday Madaxweyne ku xigeeniisa ayaa yiri “Waa waali, Shiddo Xamar looga soo dhiibay ayuu Puntland kula dhex jiraa, laakiin waxaan kuu sheegaya taasi waxba kama bedelayso hanaanka doorashada, waxayna u dhacaysa doorashadu si nabad ah sidii Puntland ay hore uga dhici jirtay”.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MADAXWEYNE KU XIGEENKA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON