Friday, November 8, 2024
HomeCaalamkaMadaxweyne ku xigeenka Imaaraadka oo Amray in Deeq degdeg ah loo diro...

Madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka oo Amray in Deeq degdeg ah loo diro Soomaaliya (Sawirro)

-

- Advertisement -

Madaxweyne ku xigeenka dalka Imaaraadka Carabta, ahna ninka xukuma Dubai iyo Madaxda Golaha Wasiirada dalkaasi Sheekh Mohamed Bin Raashid Almaktoum ayaa amray in Deeq bani’aadamnimo loo diro dalka Soomaaliya si loogula tacaalo cudurka Covid-19 iyo Daadadka.

Arrintan ayaa ka danbeysay jawaab degdeg ah oo Imaaraadku ka bixiyey codsi uga yimid Hay’adaha Q/Midoobay ee Caafimaadka Adduunka WHO iyo Hay’adda Qaxootige ee UNHCR, waxaana gargaarka oo lagu diyaariyey Dubai ay gaareysa 35 tan oo loo qaadi doono magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka mid yihiin Mishiinada neefta ka caawiya bukaannada.

- Advertisement -

Deeqda Imaaraadka waxaa ka mahadceliyey Madaxda Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Imaaraadka, iyadoo Imaaraadku noqday dalkii ugu horeeyay ee ka jawaaba baaqa cusub ee ka dhashay fatahaadda ka dhacday Soomaaliya, waxayna taageero hore ugu dirtay Hargeysa, Boosaaso iyo Muqdisho.

الصورة :