Monday, March 24, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Farriin Culus u diray Maamul Goboleedyada “Galmudug malaha Xaaf..”

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa digniin u diray madaxda maamul Goboleedyada dalka, isagoo uga digay inay la saftaan oo ay taageero u muujiyaan madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Isagoo ka hadlayay magaalaa Cadaado ayuu si cad ugu sheegay madaxda dowlad goboleedyada dalka inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Galmudug dhinacyada isku haya maamulka Galmudug, isla markaana aysan la safan qof kaligeed meel cidlo ah taagan.

“Waxaan uga digayaa Madaxda dowlad goboleedyada oo maalmahan laga dhiganayey garab, waxaan leeyahay Galmudug hal nin malahan, mana ahan inaad garab ka mid ah taageertaan, waxaan adinka codsaneynaa Madaxda dowlad goboleedyada inaad dhammaantiina taageertaan mowqifka Galmudug, hadii aad arrintan soo faragelineysaan si dhexdhexaadnimo ah ku soo gala.” Ayuu yiri Maxamed Xaashi Carrabey.

Ad

Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan qof walba oo dhexdhexaadinaya xaalada Galmudug, wuxuuna dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka ka dalbaday in ay arrintan soo farageliyaan, si daaqada looga saaro mad madowga jira.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON