Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maalintii labaad ku usgan magaalada Beledweyne aaayaa kulan la yeeshay saraakiisha Amniga eeciidamad dowladda iyo kuwa AMISOM.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa shir gudoomiyay Shirka Amniga waxaana shirkaasi ka qeyb galay Wasiirka Amniga Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaasha Guutooyinka 4aad iyo 5aad qeybta 27aad ee CXD, Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qeybta 27aad ee CXD, Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle, Taliska Qeybta Gobolka, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Gobolka.
Waxa kaloo shirkaasi ka qeyb galay Saraakiisha Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee Howlgalada u jooga Magaalada Beledweyne iyo Saraakiisha ciidamada Amisom, waxayna Cali Guudlawe uga warbixiyeen xaaladaha guud ee Amniga Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne.
Cali Guudlaawe war uu soo saaray ku sheegay inuu hal arrin isagoo faray saraakiisha Hay’addaha Amniga inay xoojiyaan amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada Beledweyne oo ay ka dhacayaan doorashooyin Golaha Shacabka.