Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Gaas uu shaqadii ka fariisiyay mid ka mida wasiirada xukuumadiisa.
Madaxweynaha Puntland ayaa shaqadii joojiyay wasiirkiisa Xanaanada Xoolaha ee Puntland C/jamaal Cismaan Maxamed, iyadoo aan faahfaahin laga bixiyay xaaladda wasiirka iyo sababaha shaqada looga fariisiyay.
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa hore loogu eedeeyay lunsasho mashaariic dhowr ah oo wasaaradooda fulin lahayd iyo fadeexad ka dhalatay dawooyin dhacay oo loo qeybiyay xoolaleyda Puntland.
Wararka laga helayo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in kiiska wasiirkan uu in muddo ah yaalay xafiiska madaxweyne Gaas, iyadoo lagu wado in Baarlamaanka Puntland ay u yeeraan.
Goobjooge.com