Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa magacaabay Guddiga doorashada Puntland oo ka kooban lix xubnood oo uu sheegay inay ka mid tahay balanqaadkiisii doorashada uu  ku galay, waxaase xusid mudan inaysan Puntland weli ka jirin xisbiyo siyaasadeed iyo goleyaal degaan oo doorasho shacbi ku yimid.
HOOS KA AKHRISO WAREEGRADA MADAXWEYNE GAAS
Xeer Madaxweyne Lr.15, February 14, 2016, kuna saabsan Magcaabid Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland.
Markuu arkay:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Dastuurka Puntland;
Markuu tixgeliyey:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Ballanqaadkii Dawladda ee ku aadanaa horumarinta barnaamijka Dimuqraadiyaynta;
Markuu tixgeliyey:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Aqoontooda iyo waaya aragnimadooda shaqo;
Â
Wuxuu xeeriyey:
- Cabdulaahi Cali Nuur                Xubin
- Maxamed Cabdille Faarax            Xubin
- Naciima Cabdiraxmaan Guuleed      Xubin
- Axmed Maxamed Cali                Xubin
- Maxamuud Soofe Xasan             Xubin
- Maxamed Saciid Cumar             Xoghayn
—DHAMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
Â