Thursday, April 24, 2025

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha, Musharixiinta, Madaxda DG iyo siyaasiyiin Tacsi u diray Jen. Galaal

Madaxda Dowladda Soomaaliya, Siyaasiyiintii ugu badnaa iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa tacsi u diray Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo xalay ku dhintay weerarkii Alshabaab ku qaaday Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Waxaa baraha Bulshada buuxiyey tacsida iyo sawirrada Marxuum Jen. Galaal oo tańsi loo wada dirayo, waxaana tacsida bilaabay Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay saqdii dhexe kadib soo saaray farriin tacsi oo loo dirayqoysaska iyo ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii argagixisanimo ee galabta ka dhacay Muqdisho.

“Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan.“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun..” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxweyne Farmaajo.

Ad

Sidoo kale waxaa tacsi u diray Gen. Galaal Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo farriinta tacsida ku yiri: “Waxaan eheladoodii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii argagixisadu ku qaadeen hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho oo uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo dalka iyo dadka muddo dheer u soo adeegay. Shacabka Soomaaliyeed waxa ay General Galaal ku xusuusan doonaan kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka muddadii 50-ka sano ka badneyd ee uu ka mid ahaa saraakiishii udub dhexaadka u ahaa CXD.”

Madaxda tacsida dirtay waxaa ka mida Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxda Maamul Goboleedyada; musharixiinta xilka madaxweynaha, xildhibaanno, wasiiro iyo mas’uuliyiin fara badan.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON