Saturday, May 17, 2025

Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisal Wasaar Kheyre oo ku biiray ololaha Difaaca Wasiir Xoosh

Iyadoo olole balaaran uu ilaa xalay ka socday magaalada Muqdisho, kaasoo ku saabsan mooshinka ka dhanka ah wasiirka Dastuurka ayaa la sheegay in ololahaasi ay ku biireen madaxda sare ee dalka.

Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia iyo Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa laga dareemay olole lagu difaacayo Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh.

Xildhibaanada gacansaarka la leh xukuumadda ayaa lagu adkeeyay inay ka qeybgalaan kulanka golaha shacabka ee maanta, waxaana madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay qeyb ka noqdeen dadaalka loogu jiro in laga hortago mooshinka.

Ad

Xildhibaanada qaarkood ayaa aaminsan in madaxweyne Farmaajo uu si hoose u taageersan yahay go’aanka Maxkamadda Sare, iyadoo cabsida weyn ee ay qabaan xildhibaanada ay tahay in arrintaasi ay galaafato xildhibaano kale.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku qasban isagu inuu difaaco wasiirkiisa, inkastoo wasiiro badan ay aaminsan yihiin in xal kasta oo wasiirkan kiiskiisa loo helo xilligan aanu macne yeelan doonin oo wasiirku halkiisa ka miisi doono.

- Advertisement -

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON