Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dagaalkoodu ka socdo deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday colaadda, wuxiuuna ugu baaqay Madaxda Maamulka Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’udiinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada inay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay.
Baaqa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo baxay iyadoo dagaalka kasoo cusboonaaday degaanka Ceel-Afweyn uu socdo muddo ka badan toddobaad oo qasaare badanna uu ka dhashay.