Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka duulay magaalada Jabuuti, isagoo ku sii jeeda dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdoğan.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu casuumay munaasabadda furitaanka shirweynaha lixaad ee Xisbiga AK Party oo ah uu hoggaamiyo madaxweyne Erdogan ee talada dalka Turkiga haya, sida ay sheegay madaxtooyada Soomaaliya.
Shirweynaha xisbiga AK ayaa furmi doona 18-ka bishan oo ku beegan Berrito, waxayna Madaxtooyada Soomaaliya ay sheegtay in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga ay ka wadahadli doonana xiriirka laba dal iskaashiga dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo Turkigu uu yahay dal weyn oo saaxiib la ah Soomaaliya.
Wax war ah lagama soo saarin wixii kasoo baxay wadahadalkii dhex maray madaxda dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadlayeen sidii la loogu heli lahaa xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal.