Friday, June 13, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Telefoon u diray Uhuru Kenyatta (Tacsi uu gaarsiiyey & martiqaad…)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa telefoon u diray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo gaarsiiyey tacsi tiiraanyo leh geeridii ku timid laba qof oo Kenyaan ah oo ku dhintay diyaaraddii ku dhacday magaalada Berdaale.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa faafisay wadahadalka khadka Telefoonka ku dhex maray madaxweynayaasha Kenya iyo Somalia markii uu kan danbe la xiriiray dhiggiisa u sheegay inuu si wyen uga xun yahay dhacdada shilka diyaaradda, wuxuuna ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay burburka diyaaradda.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu faray Hay’adda Socdaalka Soomaaliya inay si degdeg ah u baarto wixii sababay in diyaaradda ay burburto, wuxuuna martiqaaday Laanta Socdaalka Hawada ee Kenya inay baaritaanka qeyb ka noqoto

Ad

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo uu Telefoon kula hadlay madaxweynaha Kenya, una gudbiyey tacsi dadkii Kenyanka ahaa ee ku dhintay diyaaradii ku dhacday Berdaale, una xaqiijiyey in baaritan buuxa lagu sameyn doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaan weli ka tacsiyadeyn 4-tii qof ee Soomaalida lahaa kuna dhintay diyaradda African Express ee la sheegay in lagu soo riday Berdaale.

HOOS KA AKHRISO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON