Friday, March 28, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo si lama filaan ah xilalkii uga qaaday Taliyeyaal & Agaasimihii Madaxtooyada [Akhriso Wareegto]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa  si lama filaan ku magacaabay saraakiil ciidan, iyadoo xilalka laga qaaday saraakiil kuwo kalana la magacaabay.

Fahad Yaasiin, ayaa laga dhigay ku xigeenka Hay’adda NISA iyo Sirdoonka Qaranka, waxaana agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda loo magacaabay Aamina Siciid Cali.

Hoos ka akhriso wareegtadda madaxweynaha.

Ad

1- Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

2- S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

3- G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

3- S/Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

4- G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

5 – Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

6- S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

- Advertisement -

7- G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

8- G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON