Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiskii uu la gaaray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in la maalgashado dekadaheeda.
Isagoo wareysi siiyey Telefishinka dowladda ee SNTV ayuu Farmaajo ayaa la weydiiyay arrimo fara badan oo ku saabsan xaaladda dalka sida amniga, dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland ee Tukaraq iyo dagaalka lagu jiro Alshabaab.
Wuxuu Madaxweyne Farmaajo si faahfaahsan uga hadlay booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku tegay magaalada Muqdisho isagoo sheegay in ujeedkiisa socdaalkaasi ahaa xoojinta xiriirka labada dal iyo in labada dal ay yeeshaan is ixtiraamaan ku dhisan iskaashi dhaqaale iyo mid amni.
“Shirkaasi wuxuu ahaa mid labada dowladood muhiim u ah, booqashada uu Ra’iisul Wasaaraha ku yimid Muqdisho wuxuu ujeedkeedu ahaa in labada dal ay xoojiyaan wadashaqeyntooda, horey amni ayaan uga hadli jirnay, balse hadda waxaan fursada u helnay inaan ka hadalno arrimaha dhaqaalaha, labada dal waxay ka faa’ideysanayaan xiriirka ganacsi ee dhex maraya, waxaan heysanaa xeebta ugu dheer ee Afrika, iyaguna shacab badan ayay heystaan,” Ayuu yiri Madaxweynaha oo sharxay is fahamka labada dal.
Mar uu ka jawaabay Wararka la isla dhex marayo baraha bulshada oo ku saabsanaa in labada dal la mideynayo, isagoo yiri: “Meeshan waxaa jira dhaqan siyaasadeed ah inaan la ogoleyn in hore loo socdo, Dekad cid la siiyay malaha, dekadaha Soomaaliya ayay ku yaalaan, dhaqaalahaas Soomaaliya iyo Itoobiya ma lahan waxay ka imaan karaan Afrika, Asia, Yurub iyo ganacsatada Soomaaliyeed, arrintan waxay mareysaa sharci, waxaana la horgeynayaa Baarlamaanka, aragtida dowladda waxay tahay sidii Soomaaliya looga saari lahaa faqriga.
Mar uu ka hadlay Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka Soomaaliya, isagoo sheegay in lagu heshiiyey in derbigan la joojiyo loona saaro Guddi kasoo shaqeeya si xal loogu helo.
https://youtu.be/A4PwE6Ja2f8