Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaciyay heshiis ay xukuumadda la gashay shirkad Caalami ah.
Shirkadan ayuu sheegay inay sahmin doonto Biyaha ku jira dhulka hoostiisa, iyadoo la adeegsanayo dayax gacmeedyada hawada sare, si looga baxo biyo yaraanta iyo abaraha ku soo noqnoqday dalka.
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay furitaankii kalfadhiga labaad ee Aqalka sare ayaa sheegay in  arrintan ay qeyb ka tahay qorshaha dowladiisa ku dooneyso in muddo laba sanadood ah lagu ogaado Biyaha ku jira dhulka hoostiisa, lagana baxo gaajada iyo faqriga.
Madaxweynaha ayaan faafhaahin magaca shirkadda, inta heshiisku soconayo iyadoo ka mida heshiisyo dhowr ah oo dowladda cusub la gashay shirkado shisheeye.