Wednesday, May 21, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharci Degdeg looga rabay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay Sharciga Maamulka Dakhliga oo Hay’adda Lacagta iyo Bankiga Adduunka ay degdeg uga rabeen Wasaaradda Maaliyadda, kasoo ka mid aha dShammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadda dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa Aqalka sare ka dalbaday in sharcigan ay si degdeg ah u ansixiyaan, wuxuuna u sheegay in laga rabo bishan gudaheed inuu saxiixo madaxweynaha, ayna heystaan waqti yar si loogu hoggaansamo shuruudaha hufnaanta maaliyadda oo sal u ah barnaamijka deyn cafinta.

Madaxweynaha ayaa Xukuumadda, Xildhibaannada, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay dhammaystirka Sharcigan. “Sharcigani waxa uu ku saabsan yahay maamulka dakhliga waana Sharci la jaan-qaadaya nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga. Qodobbada uu ka hadlayo sharcigan waxaa ugu muhiimsan bixinta canshuurta iyo sidii loola macaamili lahaa canshuur bixiyaha.”

Ad

Munaasabadda Saxiixa sharcigan kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirrada iyo Madaxda Waaxyaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, isagoo kala hadlay arrimaha musuqmaasuqa.

Munaasabbadda Saxiixa Sharcigan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi), Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Hanti-dhoraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON