Saturday, March 15, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Miisaaniyadda Dowladda ee 2020-ka Daqiiqado ka hor sanadka cusub

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka, daqiiqado ka hor sanadka cusub ee 2020-ka ee maanta bilowday, kaddib markii ay ansixiyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si wadajir u ansixiyey miisaaniyaddan, markii Aqalka Sare muddo laga hortaagnaa inuu door ku yeesho Miisaaniyadda, laakiin Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey sidii xildhibaannada ay u guteen waajibaadkooda Dastuuriga ahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida.

Ad


Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa adkeeyey qorsheyaasha heer Qaran ee lagu wajahayo musuqmaasuqa iyo dadaalka xooggan ee shacabka iyo dowladdu Soomaaliyeed ay ugu jiraan hirgelinta hannaan maaliyadeed oo hufan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waxtar u leh dadka iyo dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON