Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalmod kooban gudahood saxiixay fulinta xukunnada dil-sugayaasha ku jiray xabsiyada.
Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa muddo afar maalmood ah gudahood ku fulisay toogasho lix eedeysane dil hore loogu xukumay, waana toogashii ugu badneyd e waqti sidaasi isugu dhow dhacda dhowaanahan.
Xukunnada maalmihii dhowaan la fuliyay waxaa ku jira dil-sugayaal muddo bilo ah ku jiray xabsiyada oo dowladii hore ee Xasan Sheekh la xukumay, laakiin madaxweynayaasha ayaa dib u dhiga saxiixa ugu danbeeya si fursado loo siiyo ama xaalad isbedel ahi u timaado.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa leh amarka ugu danbeeya ee fulinta dilka toogashada ah, marka eedeysanaha ay maxkamadda ugu danbeysa xukunto, kana dhammaado rafcaanka uu qaatay.
Goobjooge.com