Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, kasib socdaalkiisii dalka Itoobiya ayaa kormeeray Xarunta Tirakoobka Ciidanka Qalabka Sida oo lagu soo gabo-gabeeyey howshii tirakoobka, ururinta xogta iyo diiwaan gelinta Ciidanka Milateriga.
“Layaab waxaa igu noqotay, markii aan tagay Wasaaradda Gaashaandhigga in aysan Ciidanku lahayn gal-xogeed (File) xitaa Saraakiishii iyo Taliyeyaashii, taas ayaa noqotay tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo la tusiyey Diiwaanka Xogta Ciidamada, Gal-anshaxeedka, aqoonta, xaqsiinta iyo hannaanka dallacsiinta ciidanka.
Madaxweyne Frmaajo ayaa uga mahad-celiyey Guddiga howshan qabtay oo uu hoggaaminayey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre. Guddigaas oo ka koobnaa Wasaaradda Gaashaandhigga, Talisyada kala duwan ee Ciidanka Qalabka Sida, Wasaaradda Maaliyadda, khubaro iyo lataliyeyaal ka tirsan xafiiska Raiisul Wasaaraha.