Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya shir madaxeeda Midowga Afrika ayaa kulan gaara la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Labada Mas’uul oo isbaheysi leh ayaa kulankooda sheegay inay uga wadahadleen xoojinta xiriirka labada Dowladood ee dhinacyada Amniga, sida dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo howlgalka AMISOM oo Itoobiya ay ciidamadeeda qeyb ka yihiin.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa shaaciyey in labada dhinac ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka Geeska Afrika iyo dhaqan gelinta is-dhex galka Dhaqaalaha, waxaana madaxweyne Farmaajo uu bogaadiyey taageerada dowladda Itoobiya ee arrimaha amniga Soomaaliya.
Itoobiya ayaa madaxda dowladda Somalia ka taageertay bishii Disembar 2018 inay magaalada Baydhaba laga soo xiro Sheekh Mukhtaar Roobow, howlgalkaasi oo ay fuliyeen ciidamada Itoobiya ee qeybta ah AMISOM, balse AMISOM ay iska fogeysay arrintaasi.