Sunday, May 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Safiirka cusub ee dowladda Japan usoo magacawday Somaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowladda Japan u soo magacawday Soomaaliya.

Danjiraha cusub ee Japan Horie Ryoichi ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka dalkiisa Boqor Naruhito iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzō Abe, wuxuuna ka mahadceliyay ka qeyb galkii Madasha Iskaashiga TICAD7 ee wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Madaxweynuhu.

Danjire Horie Ryoichi ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.

Ad

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha Boqortooyada Japan uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON