Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu maamulka Gobolka Banaadir u xil saaray abaabulaan shirar iyo bannaanbaxyo lagu taageerayo saxiixiisii metelaadda G/Banaadir ee Aqalka Sare.
Arrntan ayaa ka danbeysay markii uu maanta saxiixay Qaraarkii Baarlamaanka Federaalka oo Gobolka Banaadir 13 xubnood ku yeelanayo Aqalka Sare; waxaana arrintan si degdeg usoo dhoweeyay guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Filish) oo muuqaal uu soo duubay la baahiyey.
“Anigoo ku hadlaayo codka Maamulka gobolka Banaadir iyo kan shacabka Caasimadda Waxaan ugu mahadcelinaaya Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo saxiixa qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.” ayuu yiri Cumar Filish
Waxaa la filayaa in maamulka Gobolka Banaadir uu maalmaha soo socda baabulo bannaanbaxyo lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo, looguna mahad celinayo xubnaha uu saxiixay ee G/Banaadir u metalaya Aqalka Sare, sidoo kale waxaa shirarar taageero ah lagu qaban doonaa Hoteelada Muqdisho.
Tallaabada uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ayaa kuso aadeysa iyadoo muddo xileedkiisu ay ka harsan tahay 10 maalmood, isla markaana adaal loogu jiray in xal loo helo khilaafka ka taagan Doorashada Dadban ee 2021.
