Saturday, March 22, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Asmara, Eritrea… [Sawirro]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Socdaalka Farmaajo oo aan hore loo qorsheyn ayaa ka danbeeyay safar uu dalka Masar uga qeyb galay shir looga hadlayey xaaladda dalka Suudaan oo dhowr dal ay ka qeyb galeen, wuxuuna saaka ka degay magaalada Asmara iyadoo uu garoonka kusoo dhoweeyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa shaaciyey in socdaalka madaxweynaha Soomaaliya ee Eritrea uu yaahy safar shaqo, ayna la socdeen xubno uu ka mid yahay wasiirka waxbarashada C/llaahi Goodax Barre.

Ad

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin socdaalka cusub ee Madaxweynaha ku tegay dalka Eritrea.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON