Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, isago ka qeyb-galaya shir madaxeedka 33-aad ee ee dalalka Midowga Afrika.
Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah 9-10-ka bishan Febaraayo- ayaa looga hadlayaa dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.
Waxaa garoonka diyaaradaha ee Bole International ku soo dhoweeyay wasiir ka tirsan xukuumadda Itoobiya.
SAWIRRO

