Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku adkeysanaya inuu Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka ka dhaxeeya dalalka Khaliijka iyo Dalka yar ee Qatar.
Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhexdhexaadinimo ah ka qaadatay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo dhinac ah iyo dalka Qatar oo dhinac kale ah, waxayna ku baaqday in wadahadal lagu xaliyo khilaafka.
Olole Sacuudiga iyo Imaaraadka u galeen in lagu qanciyo madaxweyne Farmaajo ayaa lagu guuleysan waayay, kadib markii uu diiday inuu bedelo go’aankiisa, waxayna Goobjooge.com ogaatay laba qodob oo keenay in madaxweynaha uu diido rabitaanka dalalka Khaliijka ee ah inuu xiriirka u jaro Qatar.
1- Qodobka ugu weyn ayaa ah iyadoo Qatar ay ahayd dowladii maalgelisay ololihii doorashada Farmaajo ee keenay in loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya.
2- Iyo qodobka labaad oo ah agaasimaha cusub ee madaxtooyada, ahna saaxiibka ugu weyn madaxweyne Farmaajo ninka lagu magacaaabo Fahad Yaasiin oo difaacaya dowladda Qatar, isla markaana balanqaad ka heysta Qatar.
Labadan arrimood waxay sii xoojiyeen in Farmaajo u debci waayo cadaadiska Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaase laga cabsi qabaa in Imaaraadka uu fuliyo tallaabooyin lagu go’doominayo madaxweyne Farmaajo oo ay ka mid yihiin in laga horjeediyo maamul goboleedyada iyo kacdoon laga dhex abuuro Golayaasha Baarlamaanka.
Goobjooge