Saturday, March 15, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo La-taliyihiisa u diray shir Caalami ah oo ka dhacaya Nairobi. [Sawirro]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la-taliyihiisa dhinaca amniga u diray inuu Soomaaliya u metelo shirka caalamiga ah ee maanta ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Q/Midoobay u qaabilsan ka hortagga argagixisada ayaa waxaa looga hadlayaa Dagaalka argagixisada, iyo ka hortagga falalka xah-jirka ee dhaliya argagixisada, waxaana furay xoghayaha guud ee Q/Midoobay Antonio Gutters, waxaana ka qeyb galay Guddoomiyaha Midowga Afrika, iyo madax ka socota dalalka Afrika.

Shirkan oo heerkiisu sareeyo waxaa Soomaaliya u metelaya la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha amniga Cabdi Saciid Maxamed Cali, halka dalalka kale ay u metelayaan wasiirada arrimaha dibadda iyo xubno kale.

Ad

Somalia iyo Kenya ayaa xiriirkooda diblomaasi uu mugdi galay kadib tallaabooyin ay Kenya qaadatay, kadib markii dowladda Somalia ay ku eedeysay inay iib geystay qeyb ka mida xuduudkeeda Badda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON