Sunday, May 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in loo Gurmado Dadka ku waxyeeloobay fatahaadda Gobollada dalka

Madaxweyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaataysan fatahaadaha deegaannada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Isagoo kulan la yeeshay Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, culimo iyo ganacsato ayaa warbixin laga siiyey Xaaladda fatahaadda iyo hawlaha samata bixinta iyo gurmadka la sameeyey tan iyo markii ay dhaceen fatahaadada, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojin doonto gurmadka deegaannada dhibaataysan, inkastoo aanu shaacin wax dhaqaale ah oo loo qoondeeyay dadka ku waxyeeloobay fatahaadda,

Wuxuu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay culimada, ururrada dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan ururrada bulshadda rayidka ah in ay wada jir ugu kacaan carruurta, haweenka, waayeelka iyo muwaadiniinta dhibaataysan oo badankood dhirta saran yihiin.

Ad

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Shaqaalaha Dowladda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dakhlileyda ah in qeyb ka mid ah mushaharkooda ay u qoondeeyaan walaalaheenna ay soo gaartay dhibaatada baaxadda leh, isagoo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed kaalinta mugga leh ee ay ilaa haatan ka qaateen hawlaha gurmadka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xubnaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, Culimada iyo mataleyaasha ganacsatada ayaa si wada jir ah Alle ugu baryey muwaadiniinta ku shahiiday fatahaadahan, waxa ayna tacsi u direen qoysaskooda, asxaabtooda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Image may contain: 4 people, people sitting and table
Image may contain: 1 person, smiling, sitting, table and indoor
Image may contain: 4 people, people sitting
Image may contain: 3 people, beard
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON