Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta ka hadlayey Masjidka Madaxtooyada Khudbadii Jimcaha kadib ayaa sheegay inay si xowli ah ku socdaan howlgallo lagu qaaday Alshabaab.
Khudbadiisa ayuu ku sheegay madaxweyne Farmaajo inay sii socon doonaan howlgallada dagaal ee ka dhanka ah Alshabaab, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qayb ka qaataan Dagaalka lagu jiro Alshabaab, kuna bixiyaan dhaqaale, sida uu yiri.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ay ku dadaalo doonto wax ka qabashada Amniga , si dowladda danbe marka uu xilka banneeyo aysan u dhaxlin dhibaato dhinaca ammaanka ah, looga shaqeeyo horumarka.