Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa iska fogeeyay Heshiiska Imaaraadka Carabta kula wareegay saldhig milateri iyo maamulka Dekadda Berbera.
Isagoo khudbad ka jeediyay furitaankii kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka ayuu Farmaajo sheegay in Dowladiisa ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dalka iyo xuduudaha Soomaaliya, laakiin heshiiska Berbera uu ka horeeyay dowladiisa.
Farmaajo ayaa sheegay in Qoraalka Guddoonka Baarlamaanka u soo gudbiyay Bishii May ay guddoomeen, isla markaana ay baaritaan ku hayaan saldhiga milateri ee Imaaraadka ku yeelanayo magaalada Berbera wixii ka soo baxana ay la wadaagi doonaan Baarlamaanka.
Arrintan ayaa noqotay jawaabtii ugu horeysay ee dowladda Farmaajo oo si weyn uga gaabsatay dhaqdhaqaaqa Imaaraadka ka wado Somaliland, waxaana xildhibaano badan u arkaan inaan jawaab qabyo ah laga sugeynin Farmaajo.
Mooshin arrintan laga keenay ayaa weli horyaalla Baarlamaanka, waxaana la filayaa in dib loo furo.
Goobjooge