Madaxweynaha Somaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa la shaaciyay inuu maanta Shir Guddoominn doono Shirka Golaha cusub Amniga Qaranka.
Shirka oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa ah mid ay isugu imaanayaan Madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada, iyadoo uu yahay Gole cusub oo dhowaan la dhisay.
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa sheegay in Shirku uu Maanta Furmayo loogana hadli doono Ammaanka Dalka.
Shirkii koowaad ee Golahan ayaa ahaa kii lagu ansixiyay, waxaana laga cabsi qabaa inuu bedelo Golihii Madasha Qaran ee dowladii hore ay dhistay.