Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isbedel ku sameeyay Maamulka Gobolka Banaadir, marka laga reebo Guddoomiyaha Cumar Maxamud Maxamed.
Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa xilalkii looga qaaday guddoomiye kuxigeenadii Gobolka Banaadir iyo xoghayihii Guud ee Gobolka, waxaana la magacaabacay mas’uuliyiinta soo socda:
Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna Kuxigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho waxaa looo maagcaabay: Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud
Guddoomiye Ku-Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda waxaa loo magacaabay Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), ninkan ayaa taageere weyn u ahaa Farmaajo, waxaana uu muddo dheer ahaa xil la’aan si shaqsi ah u amaana una ololeeya Madaxweynaha.
Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay: Faarax Cabdi Diini
Halka Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir loo magacabay: Xiireey Axmed Rooble .
Magacaabiddan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo sii dhammaanayo mudo xileedka Madaxweynaha, lana galeyo doorasho.