Sunday, May 5, 2024

Madaxweyne Farmaajo oo Farriin ka helay Madaxweynaha Eritrea & Warbixin laga siiyey Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalix iyo Lataliyaha Madaxweynaha dalkaas Yemane Gebreab.

Wafdiga ayaa Madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyay farriin iyo salaan ay uga sideen dhiggiisa dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki, iyaga oo sidoo kale warbixin ku saabsan booqashadoodii ay ku tageen Somaliland la wadaagay Madaxweynaha.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga reer Eritrea ayaa waxa lagu lafo-guray arrimaha gobolka, dardargelinta l isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika iyo sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Ad

Safarka wafdiga Eritrea ee magaalada Muqdisho waxa uu dabo socdaa booqashooyin ay hore ugu yimaaddeen Soomaaliya oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sare u qaadidda wadashaqaynta labada dowladood.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON