Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo gabogabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Talyaaniga, isagoo socdaal kale ku tegay dalka Turkiga, kaasoo aan hore ugu qorsheyneyn.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa hadda ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo la sheegay in la filayo inuu maanta kulan la yeesho Madaxweynaha Turkiya Rajab Dayib Erdogan iyo madaxda dalkaasi.
Madaxweynaha ayaa intii uu joogay dalka Talyaanbiga la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Giuseppe Conte iyo Madaxweynaha Sergio Mattarella iyo afhayeennada labada aqal ee Barlamaanka Talyaaniga Maria Alisabetta Casellati iyo Roberto Fico.
Lama oga ujeedka ka danbeeya socdaalka madaxweynuhu ku gaaray dalka Turkiga, waxayna wararku sheegayaan in la qorsheeyay intii uu ku sugnaa dalka Talyaaniga.