Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa abaalmarin guddoonsiiyay Guddiggii Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda sanadkan 2019, isagoo uga mahadceliyay shaqadii ay qabteen.
Wuxuu Madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyey guddiga oo ka koobnaa Golaha wasiirada iyo mamulka G/Banaadir abaabulkii weynaa ee ay u sameeyeen qabanqaabada iyo maamuuska Maalmaha Xorriyadda Qaranka, wuxuuna sheegay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan qaran oo mudan in la weyneeyo.
Guddiga qabanqaabada waxaa ka dhex muuqday guddoomiyaha Gobolka Banadir C/raxmaan Yariisow oo si aan hore loo arag degmooyinka G/banaadir ku amray daabacaan sawirrada madaxweyne Farmaajo oo ahaa kuwa ugu badan ee lagu soo bandhigay xafladihii xuska maalmaha xoriyadda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka u cusbooneysiiyay Guddiga, una sheegay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda 2020-ka oo ku beegan 60-guurada xorniyada Soomaaliya.
Xuska maalmaha xoriyadda ee sanadkan ayaa ahaa kii ugu weynaa oo kharash badan lagu bixiyey xaflado joogto ahaa oo goobo kala duwan lagu qabtay. Waxaana xafladahaasi hareeyay sawirrada madaxweyne Farmaajo oo si aan hore loo arag loogu soo bandhigay munaasabadihii xuska xoriyadda.