Saturday, April 26, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Agaasime cusub u magacaabay Madaxtooyada & Xil ka qaadis lagu sameeyay…

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa agaasime cusub u magacaabay Madaxtooyada Soomaaliya, kasoo noqonaya agaasimihii afraad ee intii uu talada qabtay Febtaayo 2017.

Wareegto kasoo baxday Madaxweyne Farmaajo ayaa agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya loogu magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo ka mid ahaa la-taliyeyaashiisa, iyo saaxiib dhow oo Farmaajo uu lahaa.

“Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu Dr. Fuursade muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Ad

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Agaasimhii hore Madaxtooyada Aamina Saciid Cali oo si weyn uga dhex muuqatay Madaxtooyada Soomaaliya intii uu joogay Madaxweyne Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON