Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shirweynaha Q/MIdoobay ee Dadweynaha iyo Horumarka ee magaalada Nairobi ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmo Madaxweyaha Uganda Yoweri Musaveni, wuxuuna intaas ku datay in Musaveni uu yahay saaxiibka weyn ee Soomaaliya, ayna ka wadahadleen xiriirka istiraatiijiga ah iyo arrimaha Gobolka.
Farriin uu madaxweynaha ku qoray boggiisa gaarka ah ee twitterka ayuu ku sheegay in ay sidoo kale kale madaxweynaha Uganda ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa saaxiibtinimada iyo iskashiga arrimaha faa’iidad u ah labada dal ee Somali iyo Uganda.