Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir gaara kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau oo socdaal ku maraya dalka Itoobiya.
Kulankaayaa looga wadahadlay sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan oo waxtar u leh labada dal. “Canada waxay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal, waxaana uga mahadcelinaynaa fursadaha nololeed iyo waxbarasho ee ay la garab istaageen markii ay dalkaas tageen..” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha Canada ayaa ka qeyb galaya qaar ka mida shirarka Madaxda Midowga Afrika ee ka socda dalka Itoobiya.


