Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Alshabaab ay u babac dhigi waayeen ciidamada Soomaliya oo ay uga soo hartay inay is qarxiyaan oo kaliya, kana faa’iideystaan dadka masaakiinta ah ee loo naxariisto.
Madaxweynaha oo ka hadlayey shacab isugu so baxay Xus iyo Duco loo sameeyay dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho 24-kii July ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aysan ka weecanayn dagaalka ay kula jiraan argagixisada.
“Dagaalka argagixisadu waxa uu soo socday muddo dheer, hadda waxa ay kaga soo hartay in ay is qarxiyaan markii ay u babac dhigi waayeen ciidamadeena geesiyaasha ah. Waa in aan adkaynno amnigeenna iyo wadashaqaynteenna, cadawgana aan ugu tagno meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan.”
Madaxweyne Farmaajo aya ku amaanay Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow) inuu ahaa shakhsi dowladnimo jecel oo mar kasta ka shaqeynayay danta dalka oo dowladnimadu ku weyn tahay, dowlad yaqaan ah oo jecel in dadkiisa iyo dalkiisa uu ugu adeego si waddaniyad leh, naxariis badan, ammaano leh, kana fogaa qabyaaladda.”