Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa uu qarka u saaran yahay inuu soo galo Naadiga dalalka ugu sareysa Adduunka.
Isagoo shir jaraa’id qabtay kadib markii uu shir gudoomiyay shirkii Golaha Wasiirada ee Xarunta Madaxtooyada magaalada Ankara ayuu sheegay madaxweynaha Turkiga in heerka koboca ee ee ay gaari doonaan sanadka 2021, uu caddeyn doono inay yihiin dhaqaalaha soo koraya ee adduunka ugu horeeya.
Madaxweyne Erdogan wuxuu carabka ku adkeeyay in “Turkigu qarka u saaran yahay inuu galo kooxda ugu sareysa aduunka heerarka siyaasadeed iyo dhaqaale.” Madaxweyne Erdogan wuxuu muujiyey kalsoonida uu ka qabo in Wax dhoofinta Turkigu ay ka badnaan doonto 200 oo Bilyan oo Doollar sannadka 2021-ka, taasoo ka dhigaysa rikoor taariikhi ah ee Jamhuuriyadda Turkiga.
Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale xusay in xiisaha maalgashadayaasha caalamiga ah ee Turkiga ay sii kordhayaan maalinba maalinta ka dambeysa, iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqa sii kordhaya ee maalgashadayaasha gudaha.
Dhinaca kale, Erdogan wuxuu sheegay inuu booqan doono Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus maalinta “Nabadda iyo Xoriyadda” oo ku beegan 20-ka July.
Wuxuu intaas ku daray, “Waxaan farriin u diraynaa adduunka oo dhan oo ah inaan garab istaageyno kooxda reer Qubrus ee Turkiga oo halgan ugu jirta runta iyo caddaaladda.”
Madaxweyne Erdoğan wuxuu kaloo muujiyey sida uu ugu hambalyeynayo munaasabadda Ciidul Adxaa oo ku beegan 20-23 Luulyo. Waxay sanadkan kusoo beeganta xuska 15-ka July sanadguuradii isku daygii afgambi ee dhicisoobayadalka Turkiga.
Madaxweyne Erdoğan wuxuu xaqiijiyay inuu maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa la qaadan doono reer Qubrus Turkiga, isagoo hoggaaminaya wafdi balaaran oo ka qeybqaadan doona dabaaldega “Xoriyada iyo Madaxbanaanida” ee ay u dabaal dagaan dadka reer Cyprus ee Turkiga.
