Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa jawaab kulul u diray Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo dhowaan aflagaado u geystay diinta Islaamka, kuna tilmaamay diin muskhilad ku dhex jirta oo u baahan dib u habeyn.
Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay Madaxweynaha Faransiiska ku tahay edab-darro iyo daandaansi inuu Diinta islaamka u gefo, taasoo ah buu yiri ixtiraam darro aanu aqoon xadkiisa iyo waxa uu ka hadalyo.
“Hadalkii kasoo yeeray Macron ee ahaa in Islaamku yahay mushkilad, kana sheegay magaalo ay muslimiintu ku badan yihiin wuxuu ahaa daandaansi iyo ixtiraam darro..” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga oo ku eedeeyay dalalka reer Galbeedka inay noqdeen cunsuriyiin taageersan cadaawada islaamka.
Erdogan ayaa caddeeyay in siyaasiyiinta reer Galbeedka ay fashilkooda ku daboolaan inay weerar ku qaadaan Diinta islaamka iyo dadka muslimiinta ah.

Culimada islaamka iyo dad kala duwan ayaa eedeeyay hadalka kasoo yeetay Madaxweynaha Faransiiska, kuna tilmaamay islaam naceyb, iyadoo Madaxweynaha Turkiga uu yahay madaxweynihii ugu horeeyay ee si toos ah ugu jawaaba dhiggiisa Turkiga.