Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee waqtigiisu sii dhammaanayo ayaa la filayaa inuu ciidamada Mareykanka kala baxo Soomaaliya iyo dalal ay ka mid yihiin Afghanistan iyo Ciraaq.
Arrintan oo muddooyinkii dambe la hadal hayey ayaa hadda sii xoogeysatay, waxayna ka mid tahay tallaabooyin uu qaadi doono inta uusan xilka ka tegin 20-ka Janaayo 2021, kadib markii looga adkaaday doorashadii Mareykanka.
Wargeyska New York Times ayaa qoray in Madaxweyne Trump uu Soomaaliya ka saarayo dhammaan ciidamada ka jooga Soomaaliya ee gaaraya 700 askar, taasoo ku qoran shaqo Wasaaradda difaaca Mareykanka ay diyaarisay.
Tallaabadan ayaa si weyn uga farxin doonta Alshabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, waxayna ciidamada Mareykanka taageero siiyaan ciidamada dowladda, iyagoo tababara ciidamada Kumaandooska ee Danab.
Ciidamada Mareykanka ee jooga dalalka Jabuuti iyo Kenya ayaa la sheegay inaysan saameyn doonin ciidamada la baxayo Mareykanka. Sidoo kale Madaxweyne Trump ayaa si weyn u dhimaya ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan iyo Ciraaq.