Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarunta Madaxtooyada magaalada Bosoaso ku qaabilay Gabar 7 sano jir ah oo araga naafo ka ah, taas dhowaan Fariin Maanso ah u diratay, iyadoo ka cosatay inuu wax ka qabto xaaladeeda nololeed.
Gabadhan oo lagu magacaabo Ayaan Xasan Ducaale ayuu codsigeeda ka jawaabay Madaxweynaha Puntland, waxaana markii uu qaabilay iyada iyo qoyskeeda kadib uu balan qaaday inuu ka caawin doono Ayaan Xasan inay hesho Dhakhtar dibadda ah, sidoo kalena uu maamulkiisy wax ka qaban doonto Xaaladaha Nololeed iyo Waxbarasho ee dadka qaba baahiyaha gaarka.
Gabadha yar ee Ayaan Xasan Ducaalle ayaa sheegtay inay ku farax santahay in qaabilaadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, waxayna ka mahadcelisay in Madaxweynuhu uu wax ka qabanayo Xaaladeeda Caafimaad.



