Thursday, November 7, 2024

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Sanad kadib awood ciidan ku tegay Magaalada Beledweyne (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa gaaray magaalada Beledweyne, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelele Yuusuf Dabageed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Ciidamo fara badan oo ka mida kuwa dowladda Federaalka geysay magaalada ee Gorgor iyo Haramcad ayaa Xalay la geeyay wadooyinka magaalada, waxaana la xiray dhaqdhaqaaqa magaalada, iyadoo sidoo kale ay Beledweyne saaka gaareen ciidamo kale oo ilaalo u ah Madaxweynaha Hirshabelele.

Kooxda kacdoonka Hiiran ayaa ku hanjabtay inay ka hortegeyso wafdiga Guudlaawe, ayna hoobiyeyaal ku riday Garoonka Ugaas Khaliif, balse ma jirin wax qasaare ah oo ka dhashay.

Ad

Tegista Madaxweynaha Hirshabeelle ee magaalda Beledweyne ayaa imaaneysa kadib muddo sanad ah oo uu ahaa madaxweyne, iyadoo ay diidmo kala horyimaadeen koox hubeysan oo la baxday kacdoonka Hiiraan oo ku doodeysa inuu xaq uga maqan yahay maamulka Hirshabeelle.

Waxaa bilowday kulamada uu Cali Guudlaawe kula leeyahay magaalada Beledweyne, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo maamulka Gobolka Hiiran, iyadoo looga hadlayo xaaladda Hirshabeelle iyo Doorashada.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa la filayaa inuu furo doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee kuraastoodu ay taal magaalada Beledweyne.

May be an image of 6 people, people standing and sky
May be an image of 5 people, people standing and sky
May be an image of 6 people, military uniform and outdoors
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON