Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa uga digay dalka Masar inay faragelin ku sameyso dalka Libya, isagoo balanqaaday inuu sii wadi doono taageerada dowladda Sharciga ay ee dalkaasi.
Erdogan ayaa sheegay in Turkiga heshiis cusub oo la gelayo dowladda Libya, heshiiskaas oo ay qeyb ka tahay Qaramada Midoobay, wuxuuna si weyn u eedeeyay Jeneraalka Khalifa Haftar ee ay taageeraan Masar Imaaraadka, Ruushka iyo dowlado kale, isagoo ku tilmaamay sarkaal sharci darro ah oo doonaya inuu afgembi ku qabsado dalka Libya.
Dalka Imaaraadka Carabta ayuu ku eedeeyay faragelinta uu ku hayo dalka Libya iyo taageerada uu siiyo Jeneraalka Khalifa Haftar inay tahay burcad badeednimo, wuxuuna ku adkeystay in dalkiisa uu taageero buuxda la garab istaagayo dowladda dalka Libya ee sharciga ah, ayna meel cad uga tegi doonin dadka Libya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Masar Abdifatah Sisi ayaa shaaciyey in Masar aysan gacmaha ka laaban doonin halista ku wajahan Amnigeeda Qaranka ee uga imaaneysa dalka Libya, waxayna tallaabadaasi ka dambeysay markii Baarlamaan taageersan Jeneraal Khalifa Haftar ay Masar ugu baaqeen inay faragelin ku sameyso Libiya, si looga hortago Turkiga.
Dalalka Masar iyo Turkiga oo khilaaf weyn ka dhaxeeyo ayaa si toos ah ugu lug leh dalka Libya, waxaana in muddo ah laga cabsi qabay inay ku dagaalamaan gudaha dalka Libya.